Aragtideennu waa in si fudud loo helo xogta bulshada iyo noocyada dhiigaggooda, loogana
baaqsado raadinta xogta bulshada xaaladaha degdegga ah.
Si looga hortago waayidda dhiigga waqtigii loogu baahnaa, waxaan samaynay shabakad ay ku midaysan yihiin
goobaha Caafimaad ee Magaalada Caasimadda ee Garowe.
si fududna ay ugu wadaagi karaan xogaha dhiig bixiyeyaasha ee u diiwaan gashan
Hiigsigeennu waa in lahelo hab fudud oo lagula tacaali karo dhiig baxa degdega ah, iyadoo
Goobaha Caafimaadku ay sida ugu fudud, uguna dhaqsaha badan uheli karaan xogta qof ugu deeqi kara
dhiigagga baahida degdeggaa loo qabo.
Sidoo kale waa in la helo xogta tiro badan oo dadka dhiiggoodu naadirka yahay ah, si loo helo xogta dad badan, si degdeg ahna lagula xiriiri karo.
Goobaha Caafimaadka waxaa ka saaran mas'uuliyad weyn ilaaliyaan xogta qofka dhiigga ku deeqaya sida:
Magaca
Telephone Number ka
Xogta caafimaad
I.W.M
Qof walba oo bulshada kamid ahi waa inuu doorkiisa ah ka qaataa badbaadada bulshadiisa, garabna uu ku siiyaa Goobaha Caafimaad helidda xogta dhiigga ee loo baahanyahay sida:
Magaca oo saddexan
Nooca Dhiigga
Telephone number-ka
I.W.M