Hiigsigeenna Nidaamkaan
Nidaamka dhiig ku deeqista ee Gurmad (Gurmad Blood Donations) waa nidaam loo abuuray in lagu xalliyo baahida ballaaran ee loo qabo helidda xogta tiro badan oo dad ah,
una diyaar ah inay ku deeqaan dhiiggooda, markii ay timaaddo xaalad degdeg ahi.
Ujeeddadeennu waa in lahelo nidaam dhiigbixineed oo Online ah,
bulshaduna ay isaga diiwaan gelin karaan hab online ah iyagoo guryahooda jooga,
gaar ahaan waqtiyada ay muhiimka tahay in dhiigagga si degdeg ah loo helo.
Nidaamkani wuxuu u diyaarsanyahay in hal database la isugu keeno xogta dhiig bixiyeyaasha magaalo kasta,
iyadoo goobaha caafimaad u fududaynaysa inay heli karaan xogta guud ee dhiig bixiyeyaasha diyaarka ku ah magaaladooda,
si ay si hufan oo degdeg ah ugu adeegaan bukaanka u baahan dhiig degdeg ah.
Waa xaqiiq in awoodda Tiknoolojiyadda iyo bulshaduba ay qayb laxaad leh ka qaadan karaan badbaadada bulshada, waana sababta aan u diyaarinnay nidaamkaan.