Adeegyadeenna

User Registration

Is diiwaan gelinta dhiig-bixiyaha.

Qofka doonaya inuu dhiiggiisa ku deeqo wuxuu si fudud isaga diiwaan gelin karaa Form-ka dhiig bixiyeyaasha, Iyadoo goobaha Caafimaad ay Awood u yeelan karaan inay la xiriiraan dhiig bixiyaha.

Donation Events

Isku xirka Dhiigbixiyaha iyo goobta Caafimaad ee ugu dhow

Markuu Dhiigbixiyuhu u buuxinayo qaybta dalbashada wuxu doran karaa Goobta cafimad ee ugu dhow ama u jecelyahay si ay goobaha cafimadku u helaan dhigbixiyayaal cusub, haddii u ku haboyahay inu noqdo dhiigbixiye cusub goobtas cafimad waxay awod u leedahay inay ku darto diiwanka dhiigbixiyaasha si loo waco markii baahi dhiig shubis ahi imaado.

Hospital Registration

Isku xirka xogta Goobaha Caafimaad

Goobaha Caafimaadku waxay si wadajir ah u wadaagi karaan xogta Dhiigbixiyeyaasha. iyagoo si isku mid ah uga wada faa'idaysan kara Dhiigbixiyeyaasha markii ay timaaddo xaalad degdeg ah.

Warbixin Kooban

Qofka qaangaarka ah waxaa qiyaas ahaan jirkiisa ku jira ilaa shan (5L) Liter oo dhiig ah, waxayna ku xiran tahay miisaanka ama culeyska qofka.
Halkii mar ee uu qofku dhiigga bixinayo, waxaa uu bixinayaa qiyaastii 250ML- 500ML oo dhiig ah.

Inta badan dadka qaan gaarka ah ee caafimaadkoodu taamka yahay, waxay dhiigga kabaxay dib ugu soo ceshan karaan muddo u dhaxeysa 24 ilaa 48 saacadood.



Shurudaha Dhiig Bixiyaha

Caafimaadkaagu waa inuu wanaagsan yahay.

Miisaankaagu waa inuu u dhaxeeyo 50 ilaa 160 kiilo.

Da'daadu ay u dhexayso 18 iyo 66.

waa in aaadan lahayn uur ama aadan naas nuujinayn.

waa inaadan qabin caabuqa HIV I.W.M.

waa inaadan dhiig shubin muddo 3 bilood ah.

Isqaadashada Dhiigagga
Nooca Dhiigga Dhiigagga uu u shubi karo Dhiigagga uu ka qaadan karo
A+ A+, AB+ A+, A-, O+, O-
O+ O+, A+, B+, AB+ O+, O-
B+ B+, AB+ B+, B-, O+, O-
AB+ AB+ Dhiig walba
A- A+, A-, AB+, AB- A-, O-
O- Dhiig Walba O-
B- B+, B-, AB+, AB- B-, O-
AB- AB+, AB- AB-, A-, B-, O-